Dhuusamreeb Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Barnaamijyada Daryeel iyo Deegaan-Bile

Muqdisho Luulyo12,2923; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug kusoo gabagabeysay Barnaamijyada Daryeel iyo Deegaan ee Galmudug oo Bulshada wax ku ool u ahaa.

 

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta Galmudug sida Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirada kala gadisan ee Galmudug gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdi Waayeel ayaa khudbad uu halkaasi kajeediyay.  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa waxaa uu ku dheeraaday heerarka mashruucan gebogabada ah, dowlad goboleedyada ka faa’ideystay, deegaannada laga hirgeliyay kadib markii laga saaray Khawaarijta, sida ay wax uga badaleen noloshada bulshada,  raadka uu ka tagayo iyo arrimo kale.

 

 

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka hadlayay taabogelinta iyo heerarka waxaa uu yiri “Mashruucan oo soo bilowday  ilaa iyo sanadkii 2019, waxaa laga filayey in uu ku tilaabsado guulo waaweyn oo isgu jira xalinta, khilaafaadka bulshada, adkaynta iyo tayenta dowladnimada iyo  hirgalinta mashaariicda soo kabashada bulshada.  Waxaa mashruucaan laga taaba galiyey dhamaan dowlad goboleedyada, gaar ahaan mudooyinkii danbana waxa uu xooga saarayey Dowlad goboleedyadda Hirshabeele iyo Galmudug  ku waas oo ay saldhig u ahaa dadaaalada dib u xoreynta. Waxaan aad ugu farax sanahay in aan aragno maagaalooyinkii gacanta Shabaab ku jiray sanad ka hor in ay maantay ifayaan oo waliba mashruucaan aan maantay u fadhino  uu taabba-galiyey. Gaar’ahaan deeganada: Xaradheere, Ceeldheer, Adan yabaal iyo Moqokori”.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo  hoosta ka xariiqaya sida ay muhiim u tahay isla xisaabtanka ayaa intaa ku daray “Waxaan  maanta u fadhinaa in aan si dhow iskula xisaabtano,  una hubino in mashruuca daryeel uu xaqiijiyey dantii laga lahaa.  Sidaa darteed waxaan ka filieynaa in ha’yadii taaba galinaysay mashruuca iyo deegaanadii laga fullinayey oo aan mid ka mid ah aan joogno in ay noo soo bandhigaan wixii ka qabsoomay iyo waliba raadka uu ka tagayo mashruucaan, waxaan kale oo rabnaa in aan cashar ka barano guulaha laga gaaray sidoo kalana aan kor istaagno hadii ay jireen caqabado ka horyimid habsame u socdoka mashruuca.  Waxaana uga fadhinaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha  ee GM in ay ka marqaati kacdo waxyaabihii ka qabsoomay deegaanda Galmudug ee mashruucaan hadda soo gaba gaboobaya”

 

 

Mudane Fiqi, waxaa uu xusay in howlaha Wasaaraddiisa ay ka mid tahay isku xirka dadaallada Xasillinta “Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay u taagan tahay in ay isku xirto dadaalada xasilinta iyo nabadda una qareento dhaqaalane u raadiso si ay suurto gal u noqoto in la’gaaro himilada xukuumada cusub oo ay hawlaha dib u xoreynta iyo xasilintu u yihiin kuwa mudnaanta kowaad leh. Waxaa dowladda federaalka ka go’an iyada oo kaashanaysa dowlad goboleedyadda sidii khawaajirta looga saari lahaa dhammaan gayiga Soomaaliya. Waxaan rajaynaynaa mardhow in deegaanada Galmudug oo dhan laga sifeyn doono cadowga argagixisada Shabaab marka uu bilowdo wajiga labaad ee hawlgalka Black lion. Waxaan rajaynayaa, in mashaariicda dadaalada xasilintu  la sii kordhin doono laguna baahin doono deegaanadaas cusub marka ay dowladu dib ula wareegto bulshaduna ay ku noolaan doonaan nabad iyo baraare.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi waxaa soo qaatay daahfurka bishii lasoo dhaafay ee heykalka cusub  iyo ujeedka laga leeyahay“Bishii la soo dhaafay waxaan daahfurnay haykal cusub oo la iskugu duwayo hawlaha xasilinta heerarkeeda kala gadisan. Waxaa qeyb weyn ku leh dowlad goboleedyada gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee heer dowlad goboleed taas oo  isku xiraysa hawlaha xasilinta iyada oo kaashanaysa wasaaradaha kale ee heer dowlad goboleed iyo xaafiiska madaxweynaha. Waxaan rabnaa in madashaasi ay noqoto mid miradhal ah soona afjarto isbarbarbar yaacii ka taagnaa arrimaha  xasilinta”.

 

 

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu u mahadceliyay hey’adaha Soomaaliya ka taageeray barnaamijyada iyo dowlad goboleedka Galmudug “Waxaan rabaa in aan halkaan uga mahadceliyo deeq-bixiyayaasha kala gadisan ee maantay halkaan jooga gaar ahaan midowga yurub oo ah maalgaliyahii mashruucan hadda dhamaaday ee Daryeel. Waxaa ayaduna guul noo ah in aan maantay wada joogno Dhuusomareeb si aan ugu kuur-galno waxqabadkii mashruucan. Laba asbuuc ka-hor sidoo kale waxaan joognay Kismaayo JL waxaan rajaynayaa in shaqadu ay waliba ka sii gudubto magaalooyinka caasimadaha ah  oo aan marka xiga ku kulmi doono degmooyinka hadii Alle idmo, waxaan kaloo rabaa in aan u mahad celiyo dowlad goboleedka GM oo maantay nagu marti galinaysa Dhuusamareeb gaar ahaan madaxtooyada Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulankaan martigalinaya.