- July 12, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Galmudug, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo12,2923; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb.
Intaasi ka dib, Wasiir Fiqi ayaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug halkaasi uu soo dhawayn ugu sameeyay Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Ciid.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo Galmudug u tagay in uu daahfuro shirka Xasilinta iyo Deegaan-bile ayaa uga mahadceliyay Madaxda shacabka Galmudug soo dhawaynta milgaha leh oo ay Wasiirka iyo Wafdigiisa u sameeyeen.