Muqdisho Luulyo 05, 2023; Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudahay Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa furay Kulan Wadareedka Farsamo ee Dhaqan-galinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka.
Kulanka oo socon doona illaa iyo 9-ka Luulyo ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hay’adaha Dowladda Federaalka ee kala ah Xafiiska Madaxwaynaha JFS, Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS, Wasaaradda Caddaaladda iyo Daastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta.
Khubarrada farsamo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa soo bandhigay howlaha socda ee Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka iyo Hirgelintiisa.
Sidoo kale Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee qaybta ah kulanka ayaa iyaguna soo jeediyay warbixinno iyo waxyaabaha ka qabsoomay kaalmaha ay ku leeyihiin Hirgelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka. Iyadoo khubarrada Farsamo sii wadi doona kulanka.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabteen habka lagu Hirgelin karo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale faray Xubnaha ka qaybgalay Kulanka Wadareedka Farsamo ee Dhaqan galinta Heshiiska Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka in ay dardargeliyaan shaqooyinka farsamo ee harsan si looga gun gaaro isla markaana loo hubiyo dhaqan galka Heshiiska.