Muqdisho Luulyo 05, 2023; Ku Simaha Agaasimaha Guud ahne Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyoDib-u-heshiisiinta XFS Marwo Ayaan C/rashiid Xasan ayaa Guddoomisay Shir ku saabsan Dhaqan galka Habka Casriga ee Shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Shirka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo Howl wadeenno isku dhaf oo qaabilsan hrigelinta nidaamka casriga ee shaqada oo ay Wasaaraddu dhawaan soo gudbisay Wasaaradda. Sidoo kale Khubarrada ku howlan hirgalinta nidaamkaan casriga ah ayaa warbixin iyo soo jeedin dhamaystiran ka siiyay ka qaybgalayaasha kulanka.
Agaasimaha Waaxda Kaydka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abshir Macallin Maxamed oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ku shaqaynta nidaamka uu ku jiro Xaadirinta iyo Shaqada.
Agaasimaha Waaxda Dowladaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Yaxye Cumar Xirsi ayaa sheegay ahmiyadda ku shaqaynta nidaamka casriga ah ee shaqada Wasaaradda iyo habka lagu Hirgalin karo, sidoo kale Agaasime Yaxye wuxuu tibaaxay Caqabadaha jira iyo qaabka lagu xallin karo.
Agaasimaha Waaxda Mac-hadka Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cumar Maxamed Caalim ayaa bogaadiyay ahmiyadda ku shaqaynta Nidaamka Casriga ee Wasaaradda, isagoo mahadcelin u jeediyay Injineerrada kasoo shaqeeyay Arrimahaan.
Agaasimaha Waaxda Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Jamaal Yuusuf Xasan ayaa sharraxaad ka bixiyay shaqada Habka casriga iyo Waxyaabaha ku xiran Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Howl-wadeennada kale ee Wasaaradda.
Ugu Dambayn, Ku Simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Daba-galka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Marwo Ayaan C/rashiid Xasan ayaa fartay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Howlwadeennada Wasaaradda in la dhaqan galiyo ku shaqaynta nidaamka Casriga ee Wasaaradda oo ay sheegtay in ay tahay Aragtida hoggaamineed ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi.