- July 4, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa daahfuray Aqoon Isweedaarsi saddex maalin socon doona oo la xiriira Wada Xaajoodka iyo Dhexdhexaadinta ay tahay in sameeyaan Soomaalida si loo gaaaro Dib-u-heshiin guulaysta oo dalka hana qaadda.
Aqoon isweedaarsigaan oo ay qabanqaabiday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa and waxaa kasoo qaybgalay Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabad Dhiska.
Wakiillada ka socday Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka hadlay Madasha ayaa Aqoon Isweedaarsiga ku tilmaamay mid muhiim ah oo xilli loo baahanyahay kusoo aaday. Waxay kaloo sheegeen in dib ugula noqonayaan deegaannadooda waayo aragnimada iyo xirfadda ay ka bartaan Aqoon Isweedaarsigaan.
Maalinka 1-aad ee Aqoon isweedaarsiga ayaa laga soo jeediyay Warbixinno, Talooyon iyo macluumaad la xiriira Wada Xaajoodka iyo Dhexdhexaadinta, ka gadaal markii loo diray ka qaybgalayaasha Madasha mowduucyo iyagoo loo kala saaray Koox Howleedyo arrimahaas dhamaystira.
Ugu Dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin ayaa sheegay in muhiiim u yahay Tababarka, isagoo arrintaasi ka hadlaya ayuu yiri ” Sida aan ka Warqabno Magacyada Wasaaradda waxaa ka mid ah Dib-u-heshiisiin, Soomaaliya dhibka ugu wayn ee hadda ka taagan waxa na gaarsiiyay waa colaadahaan nagu raagay, waxaan u baahannahay in aan ka faaudeysanno Tababarkaan, waa in aan khayr niyadeenna wanaajinno, waa in aan u aragna in dalkeenna oo xilli adag ku jira in aan u nahay safiirro”