- July 1, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo 1, 2023; Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajiir ah uga qaybgalay Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo oo ka dhacday Tuulada Cayaaraha Soomaaliya ee Stadium Muqdisho ee Caasiamadda Soomaaliya, iyadoo Madxda kasoo qaybgashay uu ugu horreeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Raysal Wasaare ku xigeexnka Dalka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xubnaha Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa ugu horreyn umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha badan, isaga oo soo qaatay sida Khawaarijta Shabaab ay dhib uga hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna u gumaadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu khudbaddiisa uu ku sheegay in Khawaarijta ay dhiigyacab yihiin, shacabka Soomaaliyeed dhib badan u geysteen, masaajidyada ayay dumiyaan, oo hadal ogoleyn isaga oo intaa raaciyay in xabadda dowladda ee iyaga kujeeddo.
Dr. Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay shacabka waxaa uu yiri, “Dadweynaha isugu soo baxay Stadium Muqdisho waxaan leeyahay hambalyo, waxaan maanta u dabaaldegeynaa xoriyaddii, waa lagu soo caano maalay, hase yeeshee gumeystahaasi ajnabi dibadda ka yimid oo aan isku midab iyo diin ahayn ayey ahaayeen, maanta waxaan la tacaalaynaa kuwa innaga naga dhashay, wiilashii aan dhalnay waaye kuwa dadka Soomaaliyeed daadiyaan oo gumeysi kale geliyaan, gumeysi ayaan ku jiraa, Khawaarintu waxeedu waa gumeysi”.
Mudane Xasan Sheekh waxaa kale oo ka hadlay shaqada hey’adaha dowladda, isaga oo dalbaday in la garab istaago dowladda oo la noqdo, dowlad kunool iyo dowlad lanool, isaga oo yiri “Dalka waa dhaqaaqay, xoriyad ayuu qaatay, islaam nimmo ayuu qaatay, dowladda Soomaaliya waxaa ay u taagan tahay ilaalinta waxa dadka ka dhaxeeya, amniga ayaa laga rabaa, adeeg bulsho sida tacliin, caafimaad iyo dowladdu in ay fursado bixiso, oo dhaqaalaha kor usoo kacaan”.
“Macawileyda Sharaf iyo karaamo ayey leeyihiin, taariikh ayay leeyihiin, qofka beertiisa kasoo tagay ee Khawaarijta la dagaalayo Sharaf iyo karaamo ayey leeyihiin” ayaa ka mid ahaa hadallada madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweyna Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay saddex howl oo dalka u taallo isaga oo yiri “Shabaab oo aan dalka ka saarno, dhaqaalaha oo aan dhisno oo deyn nagala cafiyo iyo in aan dastuurka dhameystirno”.