Madaxwaynaha JFS Oo Ubax Dhigay Taallada Daljirka Daahsoon

 

 

Muqdisho Luulyo 1, 2023; Maxadawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud ayaa Ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah halganka dalka Soomaaliya looga saaray Gumaystaha.

 

 

Munaasabadda Dhagax dhigga waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada ah ee qaybta ka ah xubnaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda, Guddooomiyaha Gobolka Banaadir iyo shacab Soomaaliyeed oo halkaasi u yimid in ay ka qaybgalaan munaasabadda.

 

 

Ubax Dhigga Taallada Dhagax-tuur ayaa qayb lexaad leh ka ah fantasiyaha Maalinta Xorriyadda iyo midnimada ee 1-da luulyo oo socon doona muddo todobaad ah oo loogu magic daray Todobaadka Xorriyadda.

 

 

Xalay ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad heerkeedu sarrayso oo loogu dabbaal dagay 1-da Luulyo, waxaana kasoo qaybgalay Masuuliyiinta ugu sarreeya dalka sida; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Masuuliyiin heer sare oo ka kala socday Golayaasha kala duwan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.