Wasiir Fiqi Oo La Ciiday Shacabka Soomaaliyeed

 

 

Muqdisho Juun 28, 2023;Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta salaadda Ciidda kula tukaday caasimadda Muqdisho bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo salaadda kadib la hadlay Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa ee bishan barakaysan ee Dulxija 1444.

 

 

Wasiir Fiqi waxaa kale oo uu ka hadlay in Ciiddan Carafa ay kusoo aaday maalmo farxad leh oo ay umadda Soomaaliyeed u dabaaldageyaan 63 guurada xoriyadda, midnimada iyo yagleelidda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii.

 

 

Ugu dambayntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu shacabka kula dardaarmay in ay kala shaqeeyaan hay’adaha amniga sidii helo xasillooni waarta iyo degenaanshiyo.