Wasiir Fiqi Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda

 

 

Muqdisho Juun 24, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Sanad Guurada 63-aad ee Maalmaha Xorriyadda Xorriyadda 26 Juun iyo Midnimada 1-da Luulyo Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Shir Guddoomiayay Kulanka Guddiga.

 

 

 

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayuu Guddoomiyaha Guddiga Mudane Fiqi Warbixin dhamaystiran kaga dhagaystay Guddi Hoosaadyada Guddiga kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafaway dedaallo ku aaddan waynaynta Maalmaha Xorriyada iyo Haagjinta Goobaha ku suntun xorriyadda oo loo diyaariyay in ay ku damaashaadaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay Magacaabay Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo Duq Magalaada Muqdisho, kuwaas oo loo xil saaray in ay ka shaqeeyaan Waynaynta Maalmaha Xorriyadda, waaxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyadoo Xubnaha Guddiga ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha; Haeenka, Dhalinyarada, Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Amniga, Maaliyadda, Shaqada & Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

 

 

Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa u dabbaal dagaya sanad guuradii 63-aad ee kasoo wareegatay kolkii ay Soomaaliya qaadatay Madaxbannaanida, isla markaana ay midoobeen Gollada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, maalmahaas oo kala ah 26 Juun iyo 1-da luulyo 1960.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Fiqi ayaa faray Xubnaha Guddiga iyo Guddi Hoosaaydayada hoostaga Guddiga in au dardargaliyaan shaqooyinka Harsan, si loo soo bandhigo qaabka ugu habboon oo loogu dabbaal dagi karo maalmaha Xorriyadda,