- June 24, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Qormooyin, Wararka
Muqdisho Juun 24, 2023; Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juun iyo 1-da Luulyo ayaa si wayn laga dareemayaa Magaalooyinka Waawayn ee dalka, gaar ahaan Caasimadda Ummadda Soomaaliyee ee Muqdisho, halkaan oo kummanaan ka tirsan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan ay so aadeen goobaha Astaanta u ah halganka iyo geesiyaasha u god galay Qaranimada dalkeenna Hooyo ee Soomaaliya.
Goobaha ay bulshooyinka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay iskugu imaanayaan waxaa ka mid ah Taallooyinka; Daljirka Daahsoon, Xaawo Taako, Dhagaxtuur, Axmed Gurey, SYL iyo Axmed Gureey, halkaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ku xardheen waxyaabo ka tarjumaya Calanka Soomaaliya iyo Xorriyadda.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay Magacaabay Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo Duq Magalaada Muqdisho, kuwaas oo loo xil saaray in ay ka shaqeeyaan Waynaynta Maalmaha Xorriyadda, waaxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyadoo Xubnaha Guddiga ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha; Haeenka, Dhalinyarada, Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Amniga, Maaliyadda, Shaqada & Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Si kastaba ahaate, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa u dabbaal dagaya sanad guuradii 63-aad ee kasoo wareegatay kolkii ay Soomaaliya qaadatay Madaxbannaanida, isla markaana ay midoobeen Gollada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, maalmahaas oo kala ah 26 Juun iyo 1-da luulyo 1960.