Muqdisho Juun 22, 2023; Ra’isul wasaare kuxigeenka XFS ahan Kusimaha Ra’isul wasaaraha mudane Saalax Jaamac ayaa daahfuray kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo kabashada hore, isagoo khudbaddiisa ugu mahadceliyay xoogga dalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah howlaha ay ka wadaan ee ladagaalanka argigixisada.
“Sharciyadda dowladda Soomaaliya waa sida ay u gaarto meelaha ay joogaan Shabaab, 4 milyan ayaa ku hoos noolaa Shabaab 15 sano ee lasoo dhaafay iyaga oo u baahan waxbarasho iyo arrimo kale” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa”. Ayuu yiri Mudane SaalaxJaamac Raysal wasaare ku xigeenka dalka.
Mudane Salah Jama oo sii hadlaya ayaa sheegay in Xasillinta ay qeyb ka tahay in argigixisada laga saaro meelaha ay hadda heystaan, isaga oo carabta ku dhuftay in dagaalka lagu qaadayo argigixisada Shabaab uu dhaafi doono webiyada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadalay Kulanka Heerkiisu Sareeyo ee Xasillinta iyo Soo Kabashada Hore ayaa hoosta ka xariiqay qodobbo badan oo la xiriira Xasillinta, gaar ahaan soo kabashada hore.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu horreyn ka hadlay arrimaha hortabinnada u leh Xukuumadda Dan Qaran gaar ahaan Xasillinta “ Shirkan waxa uu muhiim u yahay geeddi-socodka nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya, gaar ahaan dedaallada ku saabsan Xasilinta iyo dib u xoreynta kuwaas oo kamid ah hawlaha hortabinta u ah xukuumada Dan Qaran, si nabad iyo dowladnimo loogu soo dabaalo deegaannada ay dowladu dib ula wareegtay iyada oo la gaarsiinayo adeegyada dowladda oo ay dadku u baahan yihiin. Dowladi ma sii jiri karto hadii aysan kasban shacabkeeda. Bal waxaaba la dhahaa, Xasilintu waa kasbashada laabta dadka. Waxa ugu mihiimsan oo aan rabnaa in qorshaha iyo haykalka cusub in uu nagaarsiiyo sidii aan dowladda ugu dhaweyn laheyn dadka loona qaadi lahaa isbaaradda muuqata iyo mida aan muuqan ee Khawaarijtu ay u dhigteen in dadka iyo dowladeedu isku xirmaan si loo gaaro nabad iyo horumar loo dhan yahay”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlayay kulanka Xasillinta Soo kabashada hore ayaa ka hadlay ahmiyadda shirka“Waxaan maantay halkaan u fadhinaa in aan daahfurno hawll mudo soo socotay oo ah in hawalaha xasilinta ee dalka ka socdo loo yeelo hanaan iyo haykal haga shaqada iyo iskuxirka. Shaqo aan laheyn hanaan isku xira oo cad lagama guul gaari karo.
Sidaa darteed, waxay xukuumadu si wadajir ah uga shaqaysay in la sameeyo haykal iyo hanaan loo raaco dadaalada xasilinta. Waxaan rayaynaynaa in wixii maanta ka bilowda uu hanaankani noqon doono mid si wadajir ah aan iskula qaadano una taabba galino. Hadii Alle idmo. Waxaan sidoo kale filayaa in hadda wixii laga bilaabo aan u soo jeesan doono dadaalkeenana isugu geyn doono waxqabad dhab ah muuqda, raadna ku reeba degaanada la bartilmaameed sanayo iyo bulshada ku nool.
Sidaa darteed haada wixii ka danbeeye waxaan isugu imaanaynaa maxaa noo qabsoomay iyo horumar intee la’eg baan gaarnay? Waxaan rabaa arirmaha qorsheynta iyo qaabeynta in aan ka gudubno oo aan gudo galno shaqooyinka dhabta ah anaga oo dardar-galinayna hawlaha baaxada leh ee no horyaala. Taas macna heedu ma’ahan in aan shaqo socon, hawlo badan baan la qabtay qaarna ay hadda qorsheysan yihiiin, laakiin hawlaha la qabtay iyo baahiyaha taagani iskuma dhigmaan.
Ugu Dambayn, Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dowlad Goboleedyada dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Dhanka Xasilinta.