- June 20, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Jubbaland, Kulamada, Wararka
Kismaayo juun20, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo xiray Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran oo muddo laba cisho ah ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku Meelgaarka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo ay soo agaaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XF.
Shirka ayaa looga arrinsaday arrimaha la Xiriira Xasilinta dalka, waxaa ay Dowlad Goboleedyada dalka soo jeediyeen Xasilinta laga sameeyay deegaannadooda, waxay soo soo jeediyeen warbixinno la xiriira caqabadaha iyo guulaha laga gaaray Xasilinta, sidoo kale Madaxda kasoo qaybgashay Shirka waxay is dhaafsadeen waayo aragnimo la xiriirta dedaallada Xasilinta. Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa la wadaagay Dowlad Goboleedyada kasoo qaybgalay Shirka waayo aragnimadooda ku aaddan Xoraynta Dalka. Saaxibada Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhanka Xasilinta ayaa sheegay in ay u diyaar u yihiin in ay Xoojiyaan Dedaallada Xasilinta oo ay gar wadeenka ka tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinra Xukuumadda Federaalka Soomaalia.
Sidoo kale, farsamo yaqaanno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa u jeediyay ka qaybgalayaasha Shirka Heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa lasoo jeediyay heshiiska Astaynta Awoodaha Dowladda iyo Kan Dooraashooyinka Dalka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirka oo looga hadlayay Arrimaha Barnaamijka Xasilinta Qaran ee dalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Goboleedyada dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka oo ay shaqadoodu la xiriirto Arrimaha Xasilinta iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Dhanka Xasilinta.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay Madaxda iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo martigaliyay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Madaxda Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan oo kasoo qaybalay Shirka.