- June 19, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Jubbaland, Kulamada, Wararka
Kismaayo Juun19, 2023 Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta Ku Meel Gaarka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxwayne ku Xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayd Aadan ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku Meelgaarka Dowlad Goboleedka Jubbaland kusoo kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u yimid Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.