Wadatashiga Dib-u-eegista Dhab-u-heshiinta Qaran Oo Lagu Qabtay Galmudug

 

 

Dhuusamareeb  Juun 14, 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabatay kulanka Wadatashiga ah ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta Qaran.

 

 

Kulanka Waxaa kasoo qaybgalay Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida; dhalinyarada, haweenka, culimada iyo aqoonyahannada ku nool caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo uu kalanka daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cumar Guure.

 

 

Wadatashigan hannaankan Dhab u heshiisiinta oo labo maalmood ka socon doona halkaasi ayaa waxaa si habsami leh u wada Farsamo-yaqaanno iyo la-taliyeyaal ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

Arrimaha la xiriira la tashiyada Dib u heshiisiinta oo ay waddo Wasaaradda ayaa ku timid aragtida Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ee ku aaddan fulinta Hiigsiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.

 

 

Ugu dambayn, Kulanka Wadatashiga ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta Qaran ayaa soo maray heerar kala duwan, iyadoo laga soo sameeyay Gobolka Banaadir, Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana kulamadaas kasoo qaybgalay foolaadka Bulshada iyo Masuuliyiinta Maamullada laga soo hirgaliyay la tashiga.