- June 13, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Kulamada, Wararka
Oslo, Norway Juun 13, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.
Kulanka labada dhinac ah ayaa looga hadlay Arrimaha Gargaarka iyo Barnaamijyada Taagerida ay Dowladda Norway ka caawiso Soomaaliya. Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Xasilinta, Dowlad dhiska iyo Dumuqraadiyadaynta Soomaaliya.
Ugu Dambayn, Kulankaan ayaa yimid xilli uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi uu safar shaqo ku joogo Dalka Norway, isla markaana Wasiirka uu ka mid yahay Marti sharafta lagu casuumay Madasha Oslo Tirsigeeda 20-aad.