Qori Illaa Qof iyo Cod Q2

 

 

Nidaamka Dowladnimo ee Dalka.

 

Jabuuti1

 

Burburkii Soomaaliya ka dib Dowlad aan walaalaha ee Jabuuti ayaa martigalisay Shirwaynaha Soomaaliyeed ee Carta, waxaa halkaasi layskugu keenay waxgaradka iyo aqoonyahan Ummadda Soomaaliyeed.

 

Ka Qaybgalayaasha waxay halkaasi ku gaareen geeddi cusub oo ah in Mudanayaasha iyo Xubnaha kale ee ugu muhiimsan Dowladda lagu soo xulo nidaamka beelaha ku salaysan ee 4.5, taas oo inta badan loo arkayay in mushkilladda Siyaasadeed Soomaaliya haysata ay xal ku meelgaar ah u noqon karto.

 

Kenya

Magaalooyinka Imbagaati iyo Eldoret ee dalka Kenya waxay Martigaliyeen Shirar laysugu keenay dhimacyada Siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hoggaamiya Kooxyeedyada dalka ka jiray iyo Dowladda ku meelgaarka ahayd (TNG) waxayn halkaasi ku gaareen heshiis siyaasadeed.

 

Ka qaybgalayaasha Shirarkaas ka dhacay Magaalooyinkaas ayaa inta badan isla qaatay in nidaamka beelaha wax lagu qaybsaday ee 4.5 lagu lamaaneeyo nidaamka Federaalka, waxaana aragtidaas Xoggeeda wax ka riixaayay Allaha Unaxariisto Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo markii dambe halkaasi loogu doortay Maxawaynaha Soomaaliya(2004).

 

Jabuuti2

 

Mar kale Dalka Jabuuti wuxuu martigaliyay Shir siyaasadeed oo isugu yimaadeen Dhinacyadii Siyaasadeed ee Dalka oo ah Dowladdii TFG iyo Maxkamadaha Islaamka, waxaa la kordhiyay Mudanayaasha Golaha Shacabka oo laga dhigay 500 Mudane.

 

Waxay doorteen Madaxwayne Shariif Shiekh Axmed oo loo doortay in dhamaystiro waxa qabyada ka ah Maamulkii ka horeeyay ee Hoggaaminayay AUN C/laahi Yuusuf Axmed. Balse guusha ugu wayn oo ay Dowladdaasi gaartay waxay in dalka ay ka saarto ku meelgaarka iyo in caasimadda Soomaaliya lagu qabto doorasho burburkii dalka ka dib.

 

 

Muqdisho1

 

Markii ugu horreysay Burburkii Soomaaliya ka dib waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay nidaam dooraasho oo ku salaysan 4.5, waxaana mudanayaasha Baaralamaanka ay Doorteen Madaxne Xassan Shiekh Maxamuud.

 

Inta lagu guda jiray muddo xileedkii Madaxwayne HSHM, Soomaaliya waxay yeelatay markii ugu horreysay Aqalka Sare, waa mid ka mid ah guulaha ugu wayn ee uu Maamulkii Madaxwayne Xassan Shiekh Maxamuud gaaro, sidoo kale Maamulka Muumulkiisa wuxuu hirgaliyay nidaamka Federaalka dalka, iyadoo soo dhistay Dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland.

 

Sidoo kale waxaa wax laga badalay nidaamkii doorashada xildhibaanada iyadoo laga dhigay in mudane/marwo kaste ay doortaan 51 ergay oo ka kala socda jufooyinka leh kursigaas.

 

Sidoo kale, Maamulkii Madaxwayne Hassan Shiekh Maxamuud wuxuu ku guulaystay in Doorashada la geeyo Caasimadda Dowlad Goboleedka ay kasoo wada jeedaan mudanayaasha iyo Marwooyinka dooranayaa qofka ku matali lahaa golayaasha Dowladda.

 

Muqdisho2&3

 

Markii 2-aad burburkii dalka ka dib, waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay soo doorteen mudanayaal lagu soo dooortay nidaamdka qabiilka 4.5. waxaa hoggaaminaayay Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.

 

Maamulkii uu hoggaaminayay Madaxwayne Maxamed C.laahi Farmaajo waxaa u suurtagalay in ay kordhiyaan tirade ergada soo dooranaysa xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay 101 ergay oo ka socota jufada iska leh kursigaas oo ah 4.5.

Waxaa kolkii 3-aad Muqdisho mar kale Magaalada lagu doortay Madaxwayne Dr. Xassan Shiekh Maxamuud

 

Nuuca Doorasho Ee Lagu heshiiyay

 

Si loo hubiyo xuquuqda Muwadiniinta Soomaaliyeed oo ah in ay wax doortaan ama in ayaga la doorto waxaa lagu heshiiyay hirgalinta doorasho dadwayne oo leh matalaad dadwayne oo qof iyo cod ah, dhexdhexaad ah, oo leh hab habraac iyo isla xisaabtan. Heshiiska waxaa ku jira deegaan doorasho xisbiyo badan, leh matalaad bulsho isla markaana horumarinaya Wadajirka Bulshada iyo ilaalinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in ay ka dhacdo Doorasho ay ku tartamayaan laba xisbi oo qaran, leh nidaam isku dheelli tiran ee liiska xiran, liiska kama badnaan karo labo laabka yirada kuraasta tartanka iyo kuraasta lagu tartamaayo ooh al deegaan doorasho ah.

 

Waxaa lagu heshiisyay in dalka ka dhacdo doorasho ay ku tartamayaa labo xisbi qaran, nidaamka matalaadd isudheelitiran ee liiska xiran, liiska kama badnaan karo labolaabka tirada kuraasta tartanka, kuraasta lagu tartamayo hal deegaan doorasho. Golaha Shacabku waa 275 Xildhibaan oo matalaysa Bulshada, hab qarsoodi oo madaxbannaan ay ku dooranayaan shacabka, tartankuna waa habka Xisbiyada Badan.  Halka Aqalka Sare Deegaanka Doorshooadiisu ay tahay Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir waxaa lagu qeexi doona Maqaamka Caasimadda.

 

.

 

Kuraasta Golayaasha Wakiillada ee Dowlad Goboleedyada dalka waxaa lagu Dooranayaa Deegaannada Dowlad Goboleedyada, Shacabka ayaa si toos ah u dooranaya, waxaana ku tartamaya Xisbiyada. Halka Dowladaha mar ay joogto ay Xubnaha Golayaasha Deegaannada ay dooranayaan Bulshada Deegaanka isla markaana ay ku tartamayaan ururrada siyaasadda.

 

Xisbiyada

 

Dalku wuxuu yeelan doona labo xisbi oo Qaran oo ku tartama Doorashooyinka dalka, waxay ka imaan doonaan labada Xisbi ee ugu codka badan marka codka loo qaado Xisbiayada, waxaana xisbiyada Qaranka noqon doono labada Xisbi ee ugu codka Badan.

Sida aan ka warqabno, Dalka Soomaaliya muddo dheer wuxuu lahaa Madaxwayne iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumaada ama Raysal Wasaare, balse hadda taasi waxaa ku yimid isbadal, waxaana dalku uu qaatay nidaamka Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen, waxaa hal warqad ku dooranaya shacaka Soomaaliyeed iyadoo lagu salaynaayo Xisbiyo Bdan.

 

Waxaa la mideeyay waqtiga doorashada ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana mudada xil haynta labada heer laga dhigay Muddo 5 Sano ah, taas oo meesha ka saaraysa madmadow iyo shaqooyin cuslaa oo waqtiyo is dulsaaran la qabto inta badan.

 

Haddaba, laga soo bilaabo 1991 markii uu dalka burburay isla markaana Soomaali badan ay ubka u qaateen u jeedooyooyin kala duwan, waxaa la sameeyay dedaalladaasi iyo dhismaha Dowladnimo ee dalka oo ay qormadani faahfaahisay, si kastaba ahaate sow ma muuqaato Geeddigii kasoo biliowday qoray qaadista in uu ku furmay doorasho qof iyo cod ah?