Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Guddoonka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

 

Muqdisho Juun 08, 2023; Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Ku Xigeennada Guddoomiyaha ka dib so jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi.

 

  1. Marwo Safiya Xassan Maxamed ayaa loo magacaabay in ay noqoto Guddoomiyaha Hya’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

  1. Mudane C/laahi Aadan Cabdi ayaa isaguna loo magacaabay in uu noqdo ku xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

  1. Mudane Maxamed C/laahi Salaad ayaa sidoo kale loo magacaabay in uu noqdo ku xigeenka 2-aad ee Guddoomiyaha Hay’adda iyo Barakacayaasha Qaranka.