Jowhar & Baydhabo juun 07, 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiin XFS ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Magaalada Baydhaboo ee Caasimadda KGS ku qabatay kulanka Wadatashiga Hay’adaha Dowladda iyo Bulshada Raydka ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta Qaran.
Kulanka Wadatashiga Hay’adaha Dowladda iyo Bulshada Raydka ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta Qaran ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala spcda Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS iyo Bulshada Raydka ee ku nool deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedka KGS.
Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta Qaran ayaa soo maray heerar kala duwan, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS horay ugu qabatay Gobolka Banaadir.