Muqdisho, Juun 06, 2023; Ururrada Siyaasadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran kaas oo qeexaya Hannaan Doorasho oo qof iyo cid ah. Madaxda Ururrada Siyaasadda Soomaaliya ee ka qaybgalay Munaasabadda Soo dhawaynta ayaa muujiyay rabitaankooda ku aaddan hab Doorasho oo qof iyo cod ah.
Dr. C/laahi Maxamed Aadan (Salaamullah) oo ah Guddoomiye Ku xigeen Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Midnimada ee Tiir ayaa Madasha ka sheegay in ay soo dhawaynayaan Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan Doorashooyinka Dadwayne, wuxuu bogaadiyay doorki Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Doorki ay ku lahayd soo jeedinta Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Dadwayne.
C/nuur Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Samadoon isla markaana khudabad ka jeediyay Munaasabadda ayaa isaguna soo dhaweeyay Go’aanka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddanaa Doorashooyinka Dadwayne.
Mudane Axmed C/laahi oo ah Xogahayaha Guud ee urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Barwaaqada oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee la xiriiray arrimaha Doorashooyinka Dadwayn.
Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo ah Xiriiriyaha Isbahaysiga Ururrada Siyaasadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan Arrimaha Doorashooyinka Dadwayne.
Ugu Dambayn, Munaasabadda Waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay Ururrada Siyaasadda Soomaaliya ku casuumeen Munaasabadda.