Muqdisho Juun 06, 2023, Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Sanad Guurada 63-aad ee Maalmaha Xorriyadda Xorriyadda 26 Juun iyo Midnimada 1-da Luulyo.
Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyada ayaa xubnaha ugu muhiimsan ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna kala yihiin;
- Danjire Ahmed Moallim Fiqi Guddoomiyaha Guddiga
- Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Xubin Guddiga.
- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Xubin Guddiga.
- Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Maaliyadda XFS, Xubin Guddiga.
- Mudane Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Xubin Guddiga.
- Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Xubin Guddiga.
- Mudane Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS, Xubin Guddiga.
- Shiekh Yuusuf Xuseeen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xubin Guddiga.