Wasiir Fiqi Oo Kulan La Qaatay Kismaha Wakiilka QM Ee Soomaaliya.

 

Muqdisho Juun 04, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay ku simaha Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna ku xigeenka wakiilka QM Marwo Anita Kiki Gbeho.

 

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Mr. Iftikhar Ahmad Shahee oo dhawaan loo soo magacaabay Isu duwaha Xafiiska UNSOM ee Deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta, iyadoo kulan ahmiyadiisa ay ahayd isbarasho iyo qaabka ugu habboon ee layskaga kaashan karo howlahaasi.
Waasiir Fiqi ayaa soo dhaweeyay Mr. Iftakhar, wuxuuna si gaar ah xafiiska UNSOM uga mahadceliyay taagerada joogtada ah oo ay Soomaaliya la garab taaganyihiin, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.