Kulanka Soo Bandhigidda Siyaasadda Qaran ee Wadajirka Bulshada iyo Barakacayaasha oo Muqdisho Kusoo Gabagaboobay.

Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS, Muuse Abshir Cabdi ayaa soo xiray kulanka Soo Bandhigidda Siyaasadda Qaran ee Wadajirka Bulshada iyo Barakacayaasha.
 
 
Kulankaan oo soconayay muddo labo maalin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Qaxaatiga iyo Barakacaayasha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Baanadir.