Muqdisho: Mudane Fiqi oo Daahfuray Madasha Maayarada Soomaaliyeed

Shirka Maayarada Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta lagu qabtay caasimadda Muqdisho.

Shikran oo uu daahfuray Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Madasha ayaa la filayaa in ay noqoto madal ay madaxda dowladaha hoose, siyaasad daadejiyeyaasha, saxiibada Soomaaliya ee horumarinta iyo khubaro kale ay si wadajir ah ugu wada tashadaan adeegyada mudnaanta leh.

 
Wasiirka ayaa sheegay in kaqeybgalka shirweynahan ee maayarada ka socda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay muujineyso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah ay u ilaalineyso federaleynta dalka.
 
 
Ujeedada ugu weyn ee Madashaani waa Maayarrada Magaalooyinka iyo Degmooyinka Soomaaliya ay helaan madal ay iyagu leeyihiin ku wadaagi karaan aragtidooda, khibradooda, sidoo kalana ay noqoto meel ay isugu gudbiyaan wixii ay isku biirin karaan. Sidoo kalana ay noqoto meel ay ku midayn karaan cuduradooda ka Gudoomiyaal Degmo, ayna ku wada raadsadaan wixii taageero lagama maar-maanka u ah horumarinta siyaasadaha magaalaysinka iyo barnaamijyada kale ee Dawladaha xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Magaalada Caasimadda ee Muqdisho”Shirka Madashan ayaa waxaa ka qeybgalaya 19 Maayor oo degmooyinka iyo caasimada dalka ka kala socda iyo wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dawlad goboleedyada iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya mashaariicda degmooyinka. Ka Wasaarad ahaan iyo guud ahaan ka Dowlad Federaal ahaan waxaa naga go’an anagoo raacayna, xoojinaynana hannaanka Federaalka dalka inaan Maayarrada Magaalooyinka iyo Degmooyinka Soomaaliya aan gacan ka siino wax walba oo ay nooga baahdaan
 
1. Hadday noqon lahayd mid farsamo
2. Hadday noqon lahayd mid khibrad ama aqooneed iyo
3. Hadday noqon lahayd mid dhaqaale ama u qareemid dhaqaale
 
Inta uu shirka socdo waxaa aan dooneynaa in xoogga la saaro arrimo ay ka mid yihiin;
 
1. Waxaan u baahanahay inaad soo bandhigtaan wixii idiinka qabsoomay ballan-qaadyadii kulankii hore ee Maayarrada oo ay la socoto wixii caqabado ah ee jira kadibna aan isla garano sidaan si wadajir ah caqabadahaas xal ugu heli lahayn inagoo isku duuban.
2. Waxaan rabnaa inaad qorshayaal cad-cad oo la maalgelin karo soo bandhigtaan .
3. Annaga ka Dowlad Federaal ahaan waxaan diyaar u nahay inaan idinla raadino meelmarinta qorshayaashiina si aan u hormarino magaalooyinkeena soo koraaya”
Ugu danbeyn Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga dhawaaqay daahfurka kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya in sanadka dambe ay Wasaaradda qaban doonto tartanka Maayaradda sanadka, oo lagu bixin doono $50,000 abaalmarin ah iyada oo si hufan loogu tartami doonno arrimmo badan sida horumarinta, nadaafadda, maareynta barakaca, daadejinta adeegyada, daahfurnaanta iyo arrimo kale.
-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi ee kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.
 
 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Cabdulle oo maanta ka hadlay daahfurka Kulanka 2-aad ee Madasha Maayarada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey kaqeybgalayaasha shirka isaga oo yiri,
 
Waxaa Sharaf noo ah in aan idiinku soo dhoweeyo Daahfurka kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya, waxaan rajeynayaa in inta uu socdo Maayarrada ay kala duwan ka warbixiyaan baahiyaha kala duwan ee heysata bulshooyinka ay ka yimaadeen”.
 
“Gogoshan wa gogosha maayarro, waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida ay noogu abaabushay shirkan, Waxaan ka codsaneynaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka ah in madallada kale lagu qabto dowlad goboleedyada, si loo daadejiyo dowladnimada”.
Mudane Cabdirahman Daahir Guure, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle
 
“Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo kasoo shaqeysay madashan, waxaa sharaf noo ah in ay gogol u noqoto sanadkan gobolka Banaadir, waa madal aan rajeynayo in la isku weedaarsado aragtiyo, khibaradaha dowladaha hoose iyo guud ahaan dowladnimo”,
– Mudane Faysal Caraale, Xogheyaha Guud ee Gobolka Banaadir
 
Sebastian May oo madaxa Barnaamijka UN-HABITAT ah oo ka hadlay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya ayaa sheegay in madashan ay daba socoto midkii sanadkii hore lagu qabtay Kigali.
“Waxaan leennahay hadaf mid ah, waa inaan madashan aan xoogga ku saarno caqabadaha heysta barnaamijka iyo xalka”.
Sebastian May oo sii hadlaya, “Dhammaan Maayarada waa in ay ka go’antahay sameynta siyaasadaha, istaraatiijiyadaha iyo arrimaha lagu hormarinayo howlaha ee xalka iyo muhiimadda la shaqeybta dowladda. Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi sida dhow ee uu ula shaqeeyo dowlad goboleedyada gaar ahaan horumarinta dowladaha hoose, waxaan rajeynayaa in madasha ay noqoto mid micno leh”.
 
 
Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo ah maamulaha UN-HABITAT JPLG oo ka hadlay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo mid ka dhacay Kigali, isaga oo intaa raaciyay in gabogabadii kulakaasi hore lagu kala qaatay shaqooyinka, oo hadda ay ay tahay in wax la iska weydiiyo.
“Waxaan ka doodi doonnaa qodobbo lama huraan ah dowladaha hoose, nabadgalyada, adeegyada iyo dowladnimada oo dhan, miisaaniyadda, adeeg bixinta, horumarunta kaabayaasha dhaqaale iyo arrimo kale” ayuu intaa raaciyay.
 
 
“Waxaan ka mahadcelinayaa madashan, degmada aan ka imid ee Baladweyne biyo ayey dhex jiiftaa, oo caqabado badan ayaa na heysto, waxaan rajeynayaa in shirkan uu ambaqaad u noqdo shirkii Kigali”,
-Marwo Nadar Taabax Maalin, Maayarka degmada Baladweyn.
 
Madasha Maayarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socota ayaa waxaa hadallo kooban kasoojeediyey doqowdo degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir iyaga oo soo bandhigay horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale.
Maayaradaas waxaa ka mid ah Dhuusamareeb, Cadaado, Cabdudwaaq, Baydhabo, Xudur, Marka, Waajid, Baraawe, Gaalkacyo, Kismayo, Garbaharey, Afmadow, Jowhar, Beledweyne, Warsheikh, Banaadir iyo degmooyinkeeda sida Shangani, Yaaqshid , Hodan iyo Dharkeynley.