Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Axmed Jumca Al-rumeysi.
Kulanka inta uu socday, labada dhinac waxaa ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal ee walaalaha ah, horumarinta iskaashiga kadhaxeeya iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa uga Mahadceliyey dowladda Imaaraadka igadab istaagooda shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero arrimaha amniga, horumarka iyo arrimo kale.