Mudane Fiqi oo Kaqeybgalay Munaasabad Lagu Dhiirrigelinayey Wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka ee Sugidda Amniga Caasimadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa caawa ka mid ahaa mas’uuliyiin wehlisay Ra’isul Wasaaraha XFS mudane Xamse Barre kuwaas oo ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay duleedka caasimadda Muqdisho oo la xiriirtay “Mahadcelin kor u qaadista kalsoonida shacabka iyo Dhiirrigelinta hey’adaha amniga”.

 

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen maamulka gobolka Banaadir iyo madax kale ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirrigelinta qeybaha kala duwan ee ciidamada kuwaas oo gacan adag ku qabtay amniga caasimadda Muqdisho, waxaa kale oo goobta lagu bogaadiyey shacabkii howlaha amniga kala shaqeeyey xoogagga amniga.

 

Inta ay munaasabadda socotay waxaa ay mas’uuliyiintii hadlay u mahadceliyeen ciidamada qaranka iyaga oo ku bogaadiyey sida har iyo habeenba ay ugu soo jeedeen sugidda amniga dadka kunool caasimadda iyo kahortagga damaca gurracan iyo falalkii cadowga jabay ee Shabaab. Waxaa kale oo isla goobta lagu abaalmariyey shacab kahor tagay iyo qaar hey’adaha amniga kusoo wargeliyey falalka foosha xun iyo dhagarrada Khawaarijta ay umadda la damacsanaayeen.