Wasiir Fiqi oo Kaqeybgalay Daahfurka Barnaamijka “Dalkaaga Ku dhiso $1”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad uu maamulka gobolka Banaadir ku daahfuray mashruuca “Dalkaaga ku dhiso $1”.

 

Barnaamijkan oo loogu talogalay dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda Muqdisho ayaa waxaa iska kaashanaya Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Barnaamijkan “Dalkaaga ku dhiso hal doolar” oo horay loo hirgeliyey 2016-kii, waxaa lagu dhisay waddooyin badan oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir iyada oo mar kale haatan dib loo dardargelinayo si wax looga qabto dhibaatooyinka caasimadda oo ay ka mid yihiin bulaacadaha, burburka jidadka, suuqyada iyo nadaafadda.