Barnaamijka Xasilinta Degdega ah ee dalkoo dhan.

 
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi oo ay wehliyaan Wakiillo ka kala socda Dowlad Goboleedyada, Midowga Yurub, Nis Foundation ayaa qabtay Barnaamijka Xasilinta Deg dega ah ee dalkoo dhan.
 
Barnaamijka RNSP oo loo dajiyay in uu ka dhaco Dowlad Goboleedyada Hirshaballe, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfurgalbeed ayaa bixin doona adeegga dowladeed sida Amniga, Biyo iyo Dib-u-heshisiin loo sameeyp bulshada ku nool deegannada dhawaan la xoreeyay ee Dalka.
 
Waxaa kasoo qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Amniga ee Dowlad Goboleedyada, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Agaasimaha Nis Foundation.
 
 
 
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa u mahadcelisay dowladda Soomaaliya oo xasilinta ka dhigtay arrimaha hortabinta leh, sidoo kale Danjire Tiina ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay sii ahaan doonaan saaxib iyo bahwadaag ay Soomaaliya leedahay.
 
 
 
 
 
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed mudane Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa uga mahadceliyay Wasiir Ahmed Moallim Fiqi Doorkiisa hoggaamineed ee ku aaddan dedaallada arrimaha xasilinta ee dalka.
 
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in Koonfur galbeed ay diyaar u tahay kaalinteeda ku aaddan dib u xoraynta iyo xasilinta ka socota Soomaaliya.
 
 
 
 
 
Madaxa Isu duwaha Mashaariicda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Faadumo Aweys Maxamed ayaa u sharaxday ka qaybgalayaasha RNSP dedaallada socda ee Xaslinta, arrimaha hortabinta leh, fursadaha iyo caqabadaha jira.