Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Axmed Fiqi oo booqasho kutagay degmada Baxdo, Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Diiriye guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqasho ku tagay degmada Baxdo ee Galmudug.

 

Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa inta uu joogay waxaa uu munaasabad “Afur Wadareed” u sameeyey maamulka iyo shacabka Baxdo, iyada oo mas’uuliyiinta Galmudug, maamulka Baxdo iyo shacabkii ka hadlay madasha ay ka mahadceliyeen.

 

Waxaa kale oo madasha afurka ka hadlay Maxamed Axmed Diiriye guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir iyo Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe iyaga oo maamulka iyo shacabka reer Baxdo ku ammaanay sida ay uga adkaadeen Khawaarijta Shabaab.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo khudbad kooban kajeediyay goobta ayaa sheegay in Baxdo tahay qalcadda Jihaadka, waxaa uu ku ammaanay u dhabar adeyga ladagaalanka Khawaarijta, waxaa uuna intaa raaciyey in degmada iyo kuwa u dhow laga fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin dhismo xarumo kala duwan, suuq iyo garoon.

 

Barnaamijka Xorriyad ku afur oo ku yimid aragtida Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka oo haatan lasoo gabagabeeyey ayaa Soonqaadka laga fuliyey dhammaan deegaannada wejigga kowaad laga xoreyeey Khawaarijta.