Barnaamijka Xorriyad Ku Afur, Dagmadda Wisil ee Gobolka Mudug, Dowlad Goboleedka Galmudug.

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š โž๐—๐จ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ ๐Š๐ฎ ๐€๐Ÿ๐ฎ๐ซโž, ๐ž๐ž ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ฃ๐ข๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š, ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Ahmed Moallim Fiqi ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐–๐ข๐ฌ๐ข๐ฅ ๐ž๐ž ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐ฎ๐๐ฎ๐ , ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ .
ย 
Maamulka degmada Wisil oo ay ugu horreeyaan guddoomiye Cali Xasan Guuleed iyo guddoomiye kuxigeenka Cabdigaraad Cumar Maxamuud ayaa qeybiyey raashiin oo isugu jira Bariis, Bur, Sonkor, Caano, Saliid iyo Timir.
ย 
Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyey barnaamijkan xorriyad ku afur ee ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ka fulisay Wisil iyaga oo intaa raaciyey in ay arkaan isbadal dowladnimo, oo wax weyn tahay in ay soo gaarto, rajeeyana in ay soo noqnoqoto, qaarkood waxaa carabka ku dhufteen in wax badan oo ay ka baqi jireen, aanay maanta ka baqin.
ย 
Mudane Cabdigaraad Cumar Maxamuud guddoomiye kuxigeenka Wisil oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey barnaamijka afurinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah ee farxad ku afu isaga oo sheegay in reer Wisil ay u babac dhigeen khawaarijta isaga oo ugu baaqay shacabka kunool meelaha ay weli heystaan Khawaarijta in ay iska kiciyaan si ay u helaan adeeg dowladnimo.
โ€œShabaab ma aha bir, waa laga adkaan karaaโ€ ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey mudane Garaad.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa bishan Ramadaan ka wadday deegaanno badan oo Hirshabelle iyo Galmudug ah oo laga xoreeyey Khawaarijta Barnaamijkan โ€œXoriyad Ku Afurโ€.
ย