Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa maanta booqasho loogu kuurgalayo xaaladda Banii’aadnimo iyo abaarta dalka kajirta ku tagay magaalada Baydhabo oo caasimad KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo mudane António Guterres ayaa inta ay joogeen Baydhabo waxaa ay soo indho indheeyeen xerada Barwaaqo, xaaladda Barakacayaasha iyo guud ahaan nolosha gobolka iyaga oo sidoo kale la kulmay maamulka Koonfur Galbeed oo ay ugu horreyso Shamsa Maxamed Yarow, guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi , waxaa uu si gaar ah u wareystay maamulka, barakacayaasha iyo danyarta kujirta xerada Barwaaqo iyaga oo la wadaagay nolosha halkaasi ka jirta iyo rajada.
António Guterres oo Ramadaan kasta booqda qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayaa Ramadaankan yimid Soomaaliya isaga oo la kulmay madaxda dowladda Federaalka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.