Afur Nabadeed Beelaha Wadataal ee Deegaanka Gelinsoor

Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo caawa Muqdisho ku martigeliyay madal afurin nabadeed ah iyo gogol daahfur u aheyd dib u heshiisiinta beelaha Wadataal ee Sacad iyo Wagardhac.

Khudbad kooban uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu sheegay in kulankan ay wasaaraddu qabatay kadib codsi uga yimid labada beel isaga oo yiri “Kulankan waxaa isla leh, oo uu ahaa codsi odeyaal labada beelood ee Wagardhac iyo Sacad, waxa looga hadlayo iyaga ayaan u deyneynaa, inanga gogosha ayaan laheyn”.

“Ujeedka kulanka waa in ay jirto colaad muddo dheer oo 40 sano jirsatay oo dhexdooda taalay, oo aan weli dammin, xilli beelaha kale ay wax badan dhameeyeen, kulankan waa mid horudhac ah” ayuu intaa raaciyay.

Mudane Axmed Maccalim Fiqi, waxaa uu ka hadlay in colaadda ay ka jirto magaalada u uku dhashay  isaga oo ka dhahay “Colaadda waxaa ay ka jirtaa Galinsoor oo ah goobtii aan ku dhashay, in aan qeyb weyn ka cayaayo waajib ayey igu tahay , waa wax laga heshiisiin karo, waayo wixii Soomaali dhexmaray ayaa dhexmaray.

Ugu dambeyntii, waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay labada beel in nabadda la maalgeshto waxaa uuna yiri,

“ Nabadda, dhib u dhiska iyo xasilloonida in aan maalgeshanno ayaan ugu baaqayaa qurbajoogta labada beel, qiimaha qorayga Zuuga aan ku bixinno horumar, si jiilka soo socda u noqda mid nabadeed”.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa isna ka mahadceliyay madasha isaga oo yiri,

“Dhibaatooyinka waxaa ay ka bilaabatay goboolada dhexe, nabadda waa in ay ka bilaabataa, inanga markii aan dhameynay nabadeynta Sacad iyo Leylkase ayaa go’aan ku gaarnay in aan bilowno Sacad iyo Wagardhac, caawa ma bilaaban howsha, qorshaha waa uu jiray, arrintan waa bilownay, waanan la isku iman, Wasiir Fiqi waxaa ka codsanayaa in dib u heshiisiinta aaney labada beel ku ekaan, oo meelo kale loo dhaqaajiyo”.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, Lataliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dib u heshiisiinta oo ka hadlay madasha afurin nabadeed ah oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah u qabatay Sacad iyo Wagardhac ayaa waxaa uu ka yiri,

“Shuruuddii dib u heshiisiinta ayaa ka muuqato halkan, oo ah in labada dhinac ay ka muuqato diyaagarow, dowladdana waa la socotaa, marka shirkan waa heshiis guuleynayo iyo nabad Soomaaliyeed”. Caawa shirkan jidka nabadda waa in ay heshiis naga tahay, waa la xallin karaa, insha allaah waa la xalinaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Gen. Cabdiweli Jaamac(Gorad), taliyii hore ee xoogga dalka oo ka hadlay shirka afurin nabadeed oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah u qabatay Sacad iyo Wagardhac ayaa waxaa uu yiri,

“Shirkan waa shir dib u heshiisiin oo u dhaxeeya labo bee oo walaalo oo wadataal la yiraahdo, colaad la xallin karo in 40 sano naga gaarto waa ceeb, laakin ilaah idinkii waa ay dhamaaneysaa, oo shirkan laguma kala tagayo, waa lagu heshiinayaa, waxaan gogoshan ugu mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee federaalka iyo Wasiirkeeda mudane Axmed Macallim Fiqi”.

Nabaddoon Yuusuf  Faarax oo isna ka hadlay goobta ayaa waxaa uu yiri,

“ Maanta wixii aan qaban weyno, mar kale ma qaban doonno, wasiirkeenna ayay u taallaa, baalashiisa ayaa nahay, beelaha waa dad wada dhashay, waana wax laga xumaado waxa socda”.

Boqor Imaan oo isna ka hadlay goobta badadeynta waxaa uu yiri,

“ Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo fulinaya hadakii dowladda ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah, waan ku faraxsanahay inaad fulisay codsigii aan kusoo gudbinnay, oo madasha aan noo dhigtay, waxaan ku rajo weynahay inaad u dhabar adeegi doonto, oo aad wax kasoo saari doonto”.

 

Gadoomiyaha Dhabad, mudane Aadan Cabdinuur Galaal oo isna goobta ka hadlay ayaa dhiirigeliyay nabadeynta labada beel ee walalaaha ah isaga oo intaa raaciyey in 30-kii sano ee tagay aanu arag fadhi dib u heshiisiin oo noocan ah, waxaa uuna u mahadceliyey mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaaka iyo Dib u Heshisiiinta XFS.