Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay kulanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee “Madasha Soomaaliya iyo Dowladaha Dariska ah ee Isku-duwidda Howlgallada Ciribtirka Khawaarijta”.
Shirkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiirrada Gaashaandhigga mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Cadaaladda mudane Xasan Macallim iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha mudane Maxamed Xagaa, mas’uuliyiinta Xoogga dalka, Booliiska iyo qeybo kale ayaa xoogga lagu saaray howlgalkan lagu soo gabagabeynayo Khawaarijta Shabaab, guud ahaan dalkana lagu baahinayo dowladnimada.
Khudbad gaaban, oo mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta kajeediyey madasha waxaa uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda howlgalkan noocani ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay wadashaqeynta wasaaradda, ciidamada xoogga dalka iyo bulshada deegaannada kala duwan, adkeeyana xaqiijinta in bulshooyinka dhowaan la xoreeyey iyo kuwa la xoreynayaba ay helaan Xasillin, soo kabasho degdeg iyo guud ayaan dhammaan adeegyada dowladnimada.