Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Kuxigeenkiisa mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, kuwaa oo ay hoggaamineysay ku xigeenka wakiilka hey’adda ee Soomaaliya Ms. Sanaa Cumar.
Inta kulanka uu socday arrimaha la dul istaagay waxaa ka mid ahaa xalka waara sida Dib u dejinta, bedqabka Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo arrimo kale. Waxaa kale oo laga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeeleeyeen fatahaadaha Webiyada gaar ahaan degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.