- April 2, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Hirshabelle, Wararka
Maalin kale iyo Barnaamijka “Xoriyad ku afur”, ee ku yimid jiheynta Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshsiiniinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayey maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha DG Hirshabelle iyo Maamulka degmada ayay ka fulisay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.
Barnaamijkan Xoriyad Ku afur oo lagu afuriyo danyarta ku nool deegaannada dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta Shabaab ayaa Wasaaraddu waxaa ay qeybisay raashiin isugu jira Bariis, Bur, Timir, Caano iyo Saliid.
Guddoomiyaha degmada Maxaas mudane Muumin Maxamed Xalane oo qeybiyey raashiinka ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiiinta iyada oo sidoo kale ay howlaha Wasaaradda iyo adeegyada dowladnimo ay ka mahadceliyeen dadka reer Maxaas.
Khamiistii la soo dhaafay ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalku waxaa ay raashiin midkan la mid ah gaarsiiyey degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Shabeelle dhexe ee isla Hirshabelle iyada oo maalmaha socda la gaarsiin doono degmooyinka kale ee Khawaarijta laga saaray, xoriyadna helay Soonqaadkan.