Aadan Yabaal: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Afurisay 200 Qoys

Iyada oo laga ambaqaaqdayo hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee Barnaamijka Xoriyad ku afur, ayey maanta Wasaaradda arrimaha gudaha raashiin afurin ah oo isugu jira Bariis, Bur, Timir, Caano iyo Saliid gaarsiisay in ka badan 200 oo qoys oo ku nool degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal mudane Maxamuud Sheekh Xasan oo goobjoog ka ahaa qeybinta raashiinka ayaa sheegay in la siisay dadkii mudnaa isaga oo u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guud ahaan dowladda Soomaliya.

 

Dhankooda waxaa iyaguna goobta ka hadlay qaar ka tirsan dadkii loo qeybiyey cunnada iyaga oo sheegay in ay kasoo baxeen dhibaatadii Shabaab, dowladnimadana ay tahay wax wanaagsan.

 

Barnaamijkan Xoriyad ku afur ayey Wasaaradda arrimaha gudaha ka hirgelineysaa dhammaan maamullada laga xoreeyey khawaarijta Shabaab, waxaa ayna qeyb ka tahay aragtida madaxeyne Xasan Sheekh ee gacana dalka lagu xoreynayo, gacana lagu fidinayo adeegyada dowladnimo.