Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha Wasaaradda.
Shirkan billaha ah inta uu soo socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay halbeegyada iyo howlaha wasaaradda ee sanadkan 2023, iyada oo mid mid loo dul istaagay, qiimeynna lagu sameeyey wixii qabsoomay bilhii lasoo dhaafay iyo qorshooyinka fulinta halbeegyada iyo howlaha inta sanadka ka harsan.
Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gebogabadii shirka goobta ka hadlay ayaa ammaanay sida ay shaqada u socoto, isaga oo intaa raaciyey in shirkan oo kale uu muhiim u yahay qiimeynta fulinta howlaha iyo qorsheyaasha wasaaradda ee sanadka, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in jadwalka qoran sida ay tahay loogu fuliyo xilliyada loogu talagalay.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa uu faray agaasimeyaasha waaxaha daadejinta shaqada, isaga oo adkeeyey xoojinta isla xisaabtanka iyo ilaalinta anshaxa shaqada iyo shaqaalaha.