Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta deeq dawo ah ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Mudane Axmed Macallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kelimad kooban kajeediyay munaasabadda guddoomista dawada ayaa waxaa uu bogaadiyey Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya isaga oo yiri,
“Waxaan rabaa in aan ka mahadceliyo dadaalka safiirka iyo kalsoonida ka dhaxeysa Jaaliyadda iyo Safaaradda oo ay ka muuqato deeqdan, oo ah jaaliyaddii kowaad iyo safiirkii koowaad ee dalka soo gaarsiiya deeq ka timid dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi deganaa”.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in tallaabadan ay niyaddhis u tahay ciidanka xoogga dalka ee dib u xorreynta kujira, ayna muujineyso in ay leeyihiin safaarad iyo jaaliyad dagaalka kula jirta isaga oo Jaaliyadaha iyo safaaradaha kale ee dibadda ugu baaqay in ay ku deydaan.
Goobta lagu guddoomay deeqda waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay qeybta degdegga ah ee SODMA, wasaaradaha arrimaha dibadda iyo caafimaadka iyo hey’ado kale.