- February 20, 2023
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay shirka sanadlaha ee xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
Shirkan oo ah mid dhacaya sanadkii 5-aad oo xiriir ah ayaa inta uu socdat waxaa xoogga lagu saaray in umadda la gaarsiiyo adeeg xeer ilaalineed oo tayo leh.
Shirka waxaa daahfuray ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xamse Barre, waxaana sidoo kale ka qeybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo hey’ado kale oo maxali iyo caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka mid ahaa martida shirka ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka waxaa uu ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg xeer ilaalin oo hufan, isaga oo ammaanay dadaallada federaaleynta garsoorka dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo sii hadlayey ayaa ka digay in la siyaasadeeyo garsoorka dalka, taasi oo sheegay in ay caqabad ku noqon karto dadaallada qaran dhiska.
MOIFAR