Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo kujooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi iyo hey’ado caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi kulamada uu galay waxaa ka mid ahaa la kulanka xildhibaan Marian Xuseen oo ka tirsan baarlamaanka Norway ahna gabar asal ahaan ka soo jeedda Soomaliya, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway Mr. Erling Rimestad iyo hoggaanka hey’ado badan oo dalkaasi ah sida: NRC, NIS foundation, agaasimaha Norad Mr. Bard Vegar iyo qaar kale, waxaa kale oo kulmada uu galey wasiirku qeyb ka ahaa waaxaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi u qaabilsan Afrika iyo Asia.
Arrimaha xoogga lagu saaray kulamadan waxaa ka mid ahaa: Dib u Heshiisiinta, Xasillinta, Dowladd wanaagga, Dimoqoraadiyadda iyo arrimaha Banii’aadnimada, iyo sidoo kale wuxuu wasiirku ka warbixiyey hawgallada dib u xoraynta dalka ka socda iyo guulaha ballaaran ee laga gaaray.