Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo Shir Guddoomiyey Kulanka Katalobixinta Doorashooyinka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan howleedka guddiga farsamo ee katalabixinta doorashooyinka qaranka iyada oo ajendahu ahaa in laga arrinsanayo qaabka doorasho ee la hordhigi lahaa shirka madasha wadatashiga qaran ee Bishan Febraayo.

Kulamada noocan ah ayaa looga gol leeyahay in ay guddigan ay kasoo talobixiyaan, kuna soo bandhigaan qaabka iyo habka doorasho qaran ugu haboon si looga doodo, go’aanna looga gaaro inta uu socdo shirka madasha wadatashiga qaran.

Xubnaha guddigan farsamo ee ka talobixinta doorashada qaran ayaa matalaya qeybaha kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah DF iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo hadal kooban kajeediyey kulanka ayaa soo qaatay ahmiyadda ay umadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho qof iyo cod ah, oo u dhacda si hufan, taasi oo wax badan ka tareysa xasiloonida iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu kula dardaarmay guddigan farsammo ee katalobixinaya doorashada qaran dardargelinta howlahan isaga oo intaa raaciyey baahida loo qabo in ay dhihac walba ka eegaan shaqada mugga leh.

MOIFAR NEWS