- February 1, 2023
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka safka hore kaas oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
Shirkan oo ay ka ay ka qeybgaleen madaxweyneyaasha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Kenya William Ruto iyo Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa looga hadlay amniga, gaar ahaan howlgalka socda ee ka dhanka ah Shabaab.
Qodobada sidoo kale shirka lagu lafaguray waxaa ka mid ah sidii lagu taageeri lahaa dadaallada Madaxweyne Xasan ee xorreynta, dib u soo celinta qarannimada iyo sookabashada.
Shirkan oo ah mid waxtar u leh dalalka dariska ayaa waxaa sidoo kale miiska saaran sidii dalalka Bariga iyo Geeska Afrika deggan isaga kaashan lahaayeen amniga.
Qodobbada kasoo baxay shirka waxaa ka mid ah:
In la ixtiraamo qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya.
In la taageero, lana sii wado dagaallada ay dowladdu Soomaaliya ku xoreyneyso dalka
La ammaanay dadaallada golaha wadatashiga qaran, iyada oo lagu booriyey dowlad goboleedyada in ay qeyb weyn ka noqdaan dagaalka Shabaab.
La boggaadiyay dadaallada gobollada lagu xoreeyey ee ciidamada xoogga iyo kuwa ATMIS.
In dalalka dariska aya taageerayaan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto argigixisada.
Baahi in loo qabo in qorshe mid ay dalalku ka dejiyaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
In lagu shaqeeyo qorshaha STP iyo TCC eek u aadan in Soomaaliya kala wareegto amniga ATMIS.
Dalalka safka hore in ay qeyb ka noqdaan qorshaha lagu cirib tirayo Shabaab
In howlgallo mid ah la sameeyo oo lagu tirtirayo cadowga
In Soomaaliya laga taageero in hub culus iyo mid fudu u hesho ciidamada tababarka ka yimid, la dhiso awoodda xoogga dalka.
Beesha caalamka ay taageeraan dadaallada xasillinta ee Soomaaliya.
In howlgallo ammaanka lagu sugayo laga sameeyo xadka.