Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta warbixin ka dhageystay duqowda magaalooyinka Qardho, Cadaado, Jowhar iyo Afmadaw kadib safar waxbarasho oo ay uga soo laabteen dalka Japan.
Arrimaha kale ee inta uu kulanka socday xoogga lagu saaray waxaa ka mid ahaa xiriirka labada dal ee Soomaliya iyo Japan, dowlad wanaagga, shaqada, deeqaha waxbarasho iyo arrimo kale.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa ay diyaarisaa barnaamihyo kor loogu qaadayo tayada iyo aqoonta guddoomiyeyaasha iyo duqowda magaalooyinka gobollada, iyada oo lagu qabto dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
©️ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS.