Mudane Fiqi oo La Kulmay Guddi Howleedka Wasaaradda ee Arrimaha Dowladaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, iyada oo xoogga lagu saaray Dib u Eegista Hannaanka Dowlaha Hoose ee Wadajir.

Dib u Eegistan Wadajir ayaa imaaneysa iyada oo la eegayo xaaladaha cusub ee dalka, dib u xorreynta iyo Dib u Eegisyada kale ee Hannaannada Xasillinta iyo Dhab u heshiisiinta, waxaana qeyb ka ah talo soojeedin hannaanka dhismeyaasha dowladaha hoose sida xasillin, bogsiin, dib u heshiisiin, bixinta adeegyo, kobcin xiriirka bulshada, taageerada sharciyadda dowladda iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa soojeediyay in barnaamijka Dib u Eegista ee la wado uu xoogga saaro arrimo ay ku jiraan maamul daadejinta iyo in deegaannada ka dhacaan doorasho qof iyo cod, la diiwaangeliyo, laguna dhiirigeliyo bulshada xulashada dadkii matali lahaa si ay u helaan adeegyo.

 

#Moifar #News