- January 20, 2023
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Koonfur Galbeed, Kulamada, Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, wasiiru dowlaha Wasaardada Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Baydhabo uga qeybgalay qado sharaf uu sameeyay Agaasimaha madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdifitaax Mahad.
Wasiir Axmed Fiqi iyo Wasiiru dowlaha Ilyaas Xasan oo maalmahan ujoogay caasimadda KMG ah ee maamulkaasi arrimo la xiriira Shirka Dib u Heshisiinta Koonfur Galbeed ayaa kulamo kala duwan waxaa ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada si loo adkeeyo nabad iyo walaaltinimada dadka reer KG.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 17-kii bishan waxaa uu furay Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed kaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta maamulkaas ugu jirta heerarka kala duwan ee dowladnimada iyo dhammaan qeybaha kale ee bulshada.