Mudane Wasiir Axmed Fiqi oo Kaqeybgalaya Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa kaqeybgalaya shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka mid ah wufuud uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo lagu casuumay furitaanka shirkan ka dhacaya xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Shirkan oo Dib u heshiisiin bulsho ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee heerarka kala duwan ee dowladnimada iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Sawirrada Shirka Baydhabo: