- January 16, 2023
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Koonfur Galbeed, Kulamada, Wararka
No Comments
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uuna ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta gaaray xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Wafdiga oo uu garoonka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagareen ayaa socdaalkoodu waxaa uu la xiriiraa Daahfurka Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed kaas oo lagu wado inuu ka furmo isla magaaladaasi.
Shirkan Dib u Heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in ay kaqeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Reer Koonfur Galbeed, kuwaa oo kala kala socda heerarka kala duwam ee dowladnimada iyo qeybaha kale ee bulshada.