Madaxweyne Xasan Sheekh oo Horkacay Kacdoonka reer Muqdisho ee Ka Dhanka ah Khwaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta horkacay kacdoonka shacabka reer Muqdisho ee ka dhanka ah Khawaarijta Shabaab.

Madaxweyne Xasan oo ka hadalayey dibadbax ay dhigeen dadweynaha kunool Muqdisho kaas oo ka dhacay garoonka kubadda Cagta ee Eng Yariisow ayaa xusay in shacabka ay gaareen marxalad ay Shabaabka iska celiyaan.

“Nimankan Shabaab ah ilaa aad iska dhicido inaad dad tahay kuuma heystaane badeeco yar oo iyagu ay leeyihiin inaad tahay ayey kuu heystaan, dadka ayaa waddo fiican soo gaaray ee ku taagnaada, nimankaas in la iska dhiciyo, oo na dhaafa la yiraah ma ahane, waddo kala ma leh” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu madaxweynaha ka hadlay dhibaatooyinka u gaar ah Muqdisho ee argigixisada waxaa uu yiri “Muqdisho waa magaaladaas 3 milyan iyo jarjar ay kunool yihiin, oo daris wada ah, oo 5 mitir, 2 mitir iyo darbi isa saaran ay dadku ku nool yihiin, oo leh maqaayado, hoteelo, suuqyo waaweyn oo dadku isugu yimaadaan, baadiyo nin jooga xabad wiifto ah ayaa ku dhaceyso ama nin si toos ah loo dilo, laakin Muqdisho dadka hal hal uma leynkarno, waa anfici weyday, waa ku qanci waayeen, waa niman dhiigga dadka ee daadanayey ku bahoobay waaye, mar kasta oo ay dhiig badan daadiyaan farxad iyo guul ayey la tahay, sidaa daraadeed waa in ay baabuur waaweyn inta ay soo rakibaan ay dadka boqolaal u laayaan, markaas ayey farxad iyo murtadiin ayaa inta ka dhacday leeyihiin”.

“Reer Muqdishow u fiirsada, dadka meesha ugu xanuunka badan, oo ay ka tiiraanyoodaan, oo muddo dheer ay heyneyso, waa meeshaas meesha ay ka weeraraan, oo ay ka dilaan, oo ay ka abaaraan, hooyooyinka xagee u xanuun badan ilmaha iskuulka aado laay, caruurta maxaa u xanuun badan, hooyadii saaka suuqa aaday ama dabakaayo iyo Bakhaar leh dil, wadaadda mid Masjidka kasoo baxaya ee na nafamsan aan dilno, madaxda kee ugu xanuun badan, kan socdo, oo dowladda horboodaya, dadka kee ugu xun, kii awaamirtooda diida, dadka meeshaas ayay ka abaaraan” ayuu intaa raaciyey Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Soobbe1 iyo Soobbe 2 iyo goobo kale oo shacabka ku laayeen Alshabaab isaga yiri “Shacabka reer Banaadirow Khawaarijta marada aan ka hurgurfta, iska bixiya, guntinkiina ayey ku jiraane… waxaan rabnaa in aan ku ballaanno in Khawaarijta aan iska bixinno, oo waa dhilqo noogu jira marade e m, marada aan ka hurgufanno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu khudbaddiisa ku sheegay in Shabaab noqdeen Kalluun biyo ka guray, oo ay dhinteen “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka dhamaadeen, waxaa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, shacabka Soomaaliyeedna waa diiday, biyihii sidaas ayey kaluulkii uga gureen, kalluun biyo ka gureen waa dhimasho, Shabaabna waa dhintay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.