Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee XFS oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Cilmi Maxamed Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaraddaas Marwo Raaxo Janaqow, Wasiir ku xigeenka mudane Cabdiqaadir Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud.

 

Kulankan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Qaranka (National ID), mudane Cabdullaahi Biixi ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Qaranka.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hey’aduba waxaa ay soo bandhigeen qorsho dhameystiran oo ku aadan diyaargarowga hirgelinta nidaamka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha, iyada oo labada dhinac ay isku afgarteen in Barnaamijkan uu ka mid ahaado arrimaha hortabinta leh ee ay ka wadashaqeynayaan.