Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.Socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladaha kajira maamulka.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo booqasho kujooga Koonfur Galbeed ayaa caawa waxaa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mud Cabdicaziz Maxamed Xasan (Laftagareen). Isxog wareysi ay labada dhinac yeesheen waxaa xoogga lagu saaray xaaladda dalka iyo midda Koonfur Galbeed iyada oo si gaar ah loo dul istaagay xorreynta, dadaallada xasillinta, ka jawaabista abaaraha iyo xaaladaha baniiโaadnimo iyo baahinta maamulka sida dhismaha goleyaasha deegaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo booqasho kujooga Koonfur Galbeed ayaaย sidoo kale shacabka deegaanka kula caweeyey beerta Baydhabo oo kutaalla bartamaha magaalada. Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi ayaa bulshada uu dhexqaaday kala sheekeystay nolosha, caqabadaha iyo rajada jirta.
ย