Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa guddoomiyey kulan ku saabsan farsamada dardargelinta dadaallada xasillinta degmooyinka iyo deegaanada laga xureeyo Cadowga Argigixasada Shabaab.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ENG. Aidarus M Hassan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ku saabsan farsamada dardargelinta dadaallada xasillinta degmooyinka iyo deegaanada laga xureeyo Cadowga Argigixasada Shabaab.
Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xafiiska ra’isul wasaaraha, wasaaradaha amniga, Gaashaanshigga, Cadaaladda iyo Dastuurka, Taliska ciidanka xoogga dalka, Taliska booliiska Soomaaliyeed, iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ha’yadaha dowladdu ay hab isku mid ah uga jawaabi lahaayeen baahiyaha kajira deegaannada ay ka socdaan howlgallada dib u xorreynta Dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisinta ayaa waxay maantay soo bandhigtay istiraatijiyadda qabyo qoraalka ah ee xasilinta, taasi oo loogu talagalay deegaanada ay dowladu dib u xoreysay. Waxaana loo soo bandhigay Gudiga iskudhafka ah ee Wasaaradaha ku bahaysan dadaalada xasilinta. Kulanka oo ahaa mid heer farsamo waxaa si qoto dheer loogu lafaguray qeybaha ay istaraatiijiyadu ka kooban tahay iyo hadafka guud ee laga rabo istiraatiijiyadu in an xaqiijiso.

Wasaarada Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo dib u heshisiinta waxaa hormuud ka tahay isku dubaridda hawlaha dadaalada xasillinta ee ka socda dalka gaar ahaan goobaha laga xoreynayo cadowga argigixisada Shabaab.